15 Mar
15Mar

Haddii reerka shidho loo barraxo koran baruuraystay,
Billaawaha haddii lagu dig dhabo baqaye dhiiggiisa,
Goortuu barraahsado hadday laba ka boodbooddo,
Isagoo bardaankii la jaray laguna baashaalay,
Bur ammaana iyo beer haddii la isku baal goysto,
Wax bisil aan bislayn lagu cunyey, Bayl hala ogaado!

Xilliyada abaarta ah ee xooluhu aad u wiiqmaan, geela maahaane, intooda kale yar iyo weynba aad bay ula lee'daan cudur iyo caato. Geela se, sida ay sheegeyso heesta hoos ku qorani, waaweynkiisa daayoo dhashiisa ayaa xilliyada kulul la qashaa:-

Salwo nirigtaa,
Sool abaariyo,
Seeri lagu dubey.

Xaashi Indhoole geeraar uu tiriyey oo kaga warramayey nacfiga geela, waxa ka mid ahaa dhawrka beyd ee hoos ku qoran, oo kala sheegaya dhawrka siyood ee hilibka geela looga faa'iideysto, iyo tira badnaanta hilibka geela, wuxuuna yidhi:-

Xaggani waa gog daboolan,
Xaggani waa lafo guud leh,
Xaggani waa gumbis gaar ah,
Guullihii na abuurtayow,
Gu' samaaday miyaa.

Gabay uu tiriyey Askar Cali oo uu kaga faallooday waxtarka geela,
beydadka hoos ku qoran oo ka mid ahaa, waxay ka warramayaan sida marti badan oo waqti xun oo dambe gurya timid, sida sharafta leh ee geelu u dhergiyo, iyo sida uu u xiltiro ninkii loo soo hoyday. Xiltiriddaas oo aanay xoola kale lahayni, waxa geela siiyey hilibkiisa badan ee dad badan ku fillaan kara oo ah suuryo ta ugu sharaf iyo waxtar badan, iyo caanahiisa oo waqti walba la isku hallayn karo. Wuxuuna yidhi:-

Guutooyin kugu soo habsatay gacal ku soo haybshay,
Goortay martidu soo gab tidhi heelka gurigaaga,
Oo gacan khalqigu kugu ogyahay magacu waa guune,
Aan neef la gawraciyo loog adhi wax gaadhaynin,
Gool loo qalyaa iyo sidkaha loogu godolyaaba,
Isagaa xiI kaa geyn kariyo guurti kuu timide.

Saanta geela, si weyn ugama aanay faa'iidaysan jirin xoola dhaqatadii hore. Xagga guryo dhiska iyo ka sameynta qalab kale sida kabaha mooyee, wax badan oo kale kuma aanay qabsan jirin. Hase yeeshee, saanta ama haragga geelu ma ahayn wax la liita oo la iska tuuro. Waxa laga jeclaa hargaha lo'da ee ka jilicsanaa, kana qurux badnaa. Saanta geelu waxay kaalin weyn ka qaadan jirtey dhismaha aqal Boo-maaliga. Inta la kala bixiyo ayaa dadab ahaan loo isticmaali jirey oo aqalka lagu dugsiyi jireYi ama inta la jeex-jeexo ayaa xadhig loo isticmaali jirey, inkasta oo gogol aan loola jeclayn, adaygeeda darteed. Kabaha laga tolo ama laga sameeyo saanta geela, waxay ahaan jireen kabo xoola-dhaqatadu aad u jeeel yihiin. Adaygga iyo qarada saantu leedahay awgeed, ka eimri dheeraan jireen kabaha laga tolo saanta lo'da. Adhiga haraggiisa lagama tolan jirin kabo

Soo Diyaariye, Shooqi Maxamed.



Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING