15 Mar
15Mar

Meeshii tulud geel ah lagu qalana, qoysas dhawr ah ama dad fara badan ayaa ka dhergi kara 00 weliba wax ka dhigan kara. Xoola-dhaqatada Soomaaliyeed, marka ay u timaaddo marti, ama ay leeyihiin xus weyn, ama kulan weyn, waxa caada u ahaan jirtey, welina u ah in meeshaas geel lagu qalo. Hilibka geeluna waxa uu ahaan jirey sooryo la bixiyo ta ugu qaalisan 00 ugu qiima weyn. Xoola kasta ee kale 00 lagu qalo meel dad badani isugu yimaaddo, laguma xiI bixi jirin. Haddiise geel lagu qalo, tira kasta oo timaaddaa waa ka dhergaan.
Hilibka geelu, badnaanta 00 keli ah laguma jecla. Xoolaha kale
hilibkooda waxa uu dheer yahay waa muddada dheer ee uu dhigmi karo isaga oo aan xumaan. Hilibka oo ah manaafacaadka Labaad ee dhaqaale ee geelu qiimaha ku leeyahay, suugaan badan oo kala duwan ayaa muujiso hilibka geelu waxtarka uu leeyahay, iyo sida uu uga mudan yahay, uga nacfi badan yahay,
ugana adkeysan badan yahay xoolaha kale hilibkooda.

Maahmaahda "Meel hallagu qalay,
ma hilib yara, mana hadal yara".
geela ahi u weyn tahay, hilibtulud geel ahi ku qalan tahay, qoys daayee, deeqayo dhawr

Waxay si cad u qeexeysaa in sida tuludda keeduna u fara badan yahay. Meesha ay waxa shardi ah in uu yaal hilib badan oo reer ama dad badan. Dadkaas tirada badan ee hilibkaas ku soo urura, waxa shardi ah in ay hadal iyo bulaan bataan. Arrimahaas ayaana maahmaahdu tilmaamaysaa.

In kasta oo xoola dhaqatada Soomaaliyeed aanay caadadeeda ahayn in ay sheeg-sheegaan cuntada, 00 soorta ka-hadalkeeda ama faaninteedu ay la tahay arrin aan qurux badneyn oo anshaxa aan ku wanaagsanayn, haddana lama waayo dad wax uun ka tilmaama. Heesta hoos ku qorani, waxay sheegaysaa qeybaha muhiimka ah ee hilibka geelu u kala baxo iyo nacfiga laga helo:-

Jurmi iyo seed,
Jiidh iyo caddiin,
Jinow iyo xoori,
Oo isku wada jira,
Jaawo ka ekeey! !

Cabdi-Galayax, oo gabay uu tiriyey kaga warramayey hilibka qeybihiisa iyo sida uu u deeqo dad badan oo sokeeyo iyo martiba leh, wuxuu yidhi:-

Haddii meleggu seedaha jaroo saanta laga gooyo,
So' macaan sakaarkiyo leggiyo sarar baruurowday,
Oo sokeeyaha ku filan Suubey adigaa leh.

Soo Diyaariye, Shooqi Maxamed.

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING