14 Apr
14Apr

Markii aan u geed fadhiistay, la ima odhan cidmaad tahay, la ima odhan adeerkaa mee, la igamana doonin wax aanan hayn. Anna wixii aan hayay kalama bakhaylin ee si sharaf leh ayaan u bixiyay. Isla markiiba waxa gacanta la iga galiyay cadraddii oo cagaheeda ku socota. yaab badanaa!!. Waxaannu soo wada raacnay baska. Waxaan filayay in ay xaflad aroos iyo wixii la halmaala igala hadasho. Waxa kale oo aan ka yar werwersanaa qolkaygii oo aan si wanaagsan u habaysanayn ku hoyashadiisa. Igu jirtayaa ama i daalacatayaaba waxay ii sheegtay inaanay aroos iyo adduun awr gooya midna iiga baahnayn ee ay aniga i rabto, iina doonayso inay kobciso garaadkayga, kordhisana aqoontayda. Waxa kale oo ay ii sheegtay in ay xataa geed hoostii igula noolaan doonto. Haddii aannu hoygii nimid, hugii dhiganay; hungurigana wax la helnay, waxaannu iskula banbaxnay is daawasho iyo is dhagaysi. Daawashadeeda indhuhu way ku doogsanayeen, maanku wuu ku dararayay, laabtuna way ku furfurmaysay. Afkeeda waxa sidaa uga soo burqanayay xikmad uu Xaakimku ogyahay xalladeeda iyo xeel dheerideeda. Maankeeda waxa ka soo go'ayay xidhmooyin murti ah. Waan nuuxsan kari la'aa. Niyadana waxaan iska lahaa maxaad waa hore gabadhan u guursan wayday?

Laga soo bilaabo maalintaa illaa haddadan aan qoraalkan wado noloshayda waxa ku dhacay is bedel wayn. Waxaan ogaadey inaan ahaa qof dhan oo iska socda, oo aan aqoon wuxuu ka kooban yahay. Waxayse i bartay inaan ka koobanahay caqli, ruux iyo jidh. Mid walba u baahan yahay quud iyo quwayn, cunto iyo cabid; jimicsi iyo jiifsi. Waxay igaga filaatay caqliga iyo ruuxda caafimaadka Ilaahay ha u daayee. Ka dib noloshu waxay ii yeelatay dhadhan iyo xiise aan la qiyaasi karin.
Maalintii waa ii hawl, waa ii hiigsi, waa ii haraad; habeenkiina waa ii haasaawe, waa ii hir doogle, waa ii hogob caleenle. Waxay igu soortaa sixin iyo subag lo'aad. Waxay i dhansiisaa dhay iyo dhanaan geel. Marka uu buuxsinkaygu leexeeyana waxay igu mirtaa kob cosobka iyo caleentu hawireen. Waxay ii qabataa haasaawe iyo hadallo halaasi ah. Mar way iga qoslisaa, marna way iga qiiraysiisaa; mar waa ii caqli celisaa; mararna wayba iga ilmaysiisaa. Waxay ii werisaa tagtadii; waxay iiga warantaa taaganta; waxaanay ii odorostaa timaadada. Waxay i bartay faylasuufyo, suugaanyahanno, qoraayahanno, aqoonyahanno iyo culimo ku xeeldheer aqoonta. Waxay ii ballan qaadday in ay mid walba aragtidiisa ku aaddan wareegtada adduunka iiga warrami doonto haddii Eebbe idmo. Aniga oo yar masayrsan waxaan weydiiyay meesha ay ku baratay waxan oo dad ah? Waxay ii sheegtay in aabaheed iyo hooyadeed ay bareen. Ka dib waxan ka codsaday bal inay barashada ragga yarayso illayn hadda waa oori nin e.
Waxay igu boorrisay inaan maanka ka shaqaysiiyo, markaasaan fikiray oo aan ka fikiray naftayda iyo ehalkayga. Waxayse ii sheegtay in qof waliba ka fikiro naftiisa iyo ehelkiisa, fikirka loo baahan yahay ee qiimaha iyo qaayaha lihina uu yahay ka fikirka dadka iyo dalka. Ehelkayga waxaan u haystay hooyaday, aabbahay, walaaladey iyo inta igu xeeran ee aannu xidid, xasabo iyo xabiibba nahay. Waxayse igu kordhisay in Soomaali oo idili ay tahay ehelkaygii iyo ugbaadkii indhahayga xilna iga saaran yahay. 


Soo Diyaariye; ShawQi Mohamed

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING