Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii reer Waqooyiga ahaa usoo martiyay saaxibkii oo ku sugan magaalada Muqdisho waxana farxad gelisay imaatankii saaxiibki inkastoo mararka qaar midba midka kale uu ku dhib qabay fahanka lahjadiisa, waxa ayna wada joogeen magaalada xamar gaar ahaan degmada Boondheere, iyago wada joogay mudo bil ah kuna damaashaadayay bilicda magaalada Muqdisho gaar ahaan goobaha magaca weyn ku leh kuwaas oo ruux weliba oo Soomaaliyeed ku reebaya dareen sida:Taalooyinka halyeeyayaashii Soomaaliyeed kuwaas oo usoo halgamay dalka Soomaaliya ayaga oo u huray naftooda, maalkooda, oo aanan ka hagran caqligooda iyo inta karaan kooda ahaa, kadib wuxuu safar kiisa u sii amba qaaday goobaha talisyada doowliga iyo urur yada ka shaqeeya horumarka dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay madaxtooyada, taliska ciidamada, degmooyinka, iyo goobo kale oo muhiim u ah habsami socodka nolasha bini aadamka.Markii uu soo idlaaday booqashadii uu ku soo marayay caasimada dalka ayaa waxa uu qorsheestay in uu dib ugu laabto reerkiisii, waxa uu ka codsaday saaxibkiis in uu usoo adeego reerkiisa oo ay ka sugayaan wax gacan qabsi in uu u geeyo.Waxa uu saaxibkiis ku yiri, gabadheyda ii dhaxday ayaa waxa ay ii soo dirsataykurdad, shalmad, keeyshali, weesaaqyo dahabi ah, shuwaaliyo, iyo kaatun qalin ah.Marki aan soo baxayay caruurteeydii ayagana waxa ay ii soo dirsadeen midhahaancanbe laf, canbe filfil, canbe shoog, shamaam, xabxab, khuwaax, iyohohob.Inan teeyda yarna waxa ay aad u jeceshahay marwaxad gacan. Inanteyda curada ay iga dooneyso tamaandho xabuub, tamaandho qasaac, solay, falaas, doolaq, mooyo iyo tib, mixdin iyo caali, iyo mufiiq.Waxaan kale oo aan doonayaa gardeel oo aan ku qaato solayga. durbadiiba ayuu saaxibkii ka dalbaday in uu usoo adeego waqti hore, wuuxuuna u sheegay in uu bixi doono saakuun ee ka harsantahay laba maalmood marka laga reebo maanta.Saaxiibkii oo dadaal muujinaya ayaa waxaa dadaal dheeraad isago qadarinaya saaxibkii ayaa aroortii hore ee maalintii xigtay u ku kalahay dhan ka suuqa asagoo soo iibinaya dalabaad ka saaxiibkiis, waxa uu ka bilaabay adeegii ay usoo dirsaday haweyneydii uu qabay saaxiibkii.Waxa uu ku dhex jiraa suuqa waxa uu weydinayaa kurbin, jalmad, kiish, weel ka weysada oo dahabi ah Surwaal iyo wax yaabo kale uu soo waayay iyo in kale uu fahmi waayay waxa loola jeeday.intaa kadib ayuu hadana usoo aaday dhanka adeega gabadha uu dhalay saaxibkii waxa uuna soo iibiyay , timir xabad weyne ah, timir sajal ah, sali, faash, inta kalana wuu fahmi waayay waxa uu ka waday.Hadana wuxuu bilaabay dhanka iyo adeegii inantii yareed iyo caruurti waxa uu soo iibiyay marwaxada fadhiga leh, canbo, filfil, shaambo, xabag, gab, iyo qaxwo.Kadib markii uu dhameeyay adeegii oo idil ayuu waxa uu soo aaday dhankii guriga marka uu saaxiibkii arkay adeegii oo idil wuxuu ku yiri .Waan arkaa in aad soo adeegatay laakin adeegeygii awaay?!, halkaan wax badan kama arko.Markaas ayuu saaxibkii uu ku jawaabay waxaad ii dirsatay oo idil waan soo iibiyay, marka laga reebo inanta yar oo aan u soo waayay.Saaxibkii oo dhoola cadeeynaya ayaa ku yiri hada ayaan fahmay dhibka jira qaladkana ma ahan mid aan labadeenaba ku lug leenahay ee waa is af fahmi waaga nagu dhacay oo ah in aan ku hadleeyno hal luuqad oo Af Soomaali ah balse aan kala lahjad dwanahay .
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed