Gabow iyo waayahaa gabay, tabar darro ma haysee, waxa tig tigtay sharci darro, Taana waxa u raacda, meel uu gabalkii jiifsado ma hayee, guri waxa u ah gidaarada magaalada. Xiliyada kale wuxuu iska garab dhigtaa kolba geeskuu ku nabad helo, Guule isagaa faxane waxa uugu daran, wakhtiyada dhaxanta ah oo uu dhabana dhigaa wax yar, qabawga dhacaya awgii. Gashiin wuxuu ka raadiyaa meelaha gudaafada lagu qubo oo uu ka uruusadaa qasaacadaha sharaabka laga cabo si lacagta ay u gooyaan calool gashiimo uugu iibsado. Guddoon wixii ku soo hagaaga ba, Guule ayuu uugu mahad naqaa. Noloshu gebo gebo maaha ee markay doonto Gudcur weeye marna waa cado aan Gudhaynin, ayuu uugu garaad ceshaa nafta.Gabal dhacay ayuu gogol dhigtay gees yar sidiisii, gal yaroo uu islahaa aad ku gaadhid waaga.Dunidu waa geyi weyn oo Ilaahay guudkeeda dhigay dad kala gadoon, oo qof waliba aanu la garab ahayn ka kale. mid bay geeskiisa taal, mid bay geri dhexaad u tahay, midina Waa Odaygaa gaboobay uu gabay waayuhu.
Goor danbe xili ay tahay saacaduna tilmaamayso cabaaro 2:14 habeen, ama saq badh. Ayaa laba gaban oo mid waliba garaad qaad yahay da'adooduna u dhaxayso 25-30, Oo caways intay ka yimaadeen sheekada u socota iyo qosolka ka baxaya aanad malaynayn. Ay ku soo baxeen Odaygii oo duuban gidaarkii uu jiifsaday. Kamay gudbine waxay ku bilaabeen inay gogoshii ka jiidaan, laadaan, feedhaan, geed intay laan ka soo jabsadaan ay gees walba ku dhuftaan, Faraha qaar way jabeen, qaylo cidi uuma dhawa ka qabataa ee wuxuu miciin bidayaa inuu ku beer laxawsado qalyada isaga ka baxaysa Xanuunka awgii, kumay joogin intaase koobab ay COFE ku siteen bay intay ku kaajeen wajiga kaga qubeen. Iyagoo sidii uugu gooban ayaa guule ku soo saaray ruux, markaasaa POLICE-ka loogu yeedhay.
La qabay oo raggii gacantaa lagu dhigay, Odaygiina waxa loo qaaday dhakhtarka, sidii baana lagu dhayay odaygii, raggiina jeelka loogu dhaadhiciyay.
Dhacdadii waxay noqotay mid caana, oo bulshadu aad u dhibsato wixii ku dhacay Odaygaas. Dharaaro ka dib ayaan odaygii la kulmay anigoo weydiinaya xaaladiisa, hadalada uu igu yidhina waxa ka mid ahayd isagoo ilmaynaya, '' Sababtoo ah derbi jiif baan ahay maaha inay dadku iila dhaqmaan sidii wax aan jirin ''. Wax yar ka dib markaanu sii wada hadlayno waxa usoo dhacay taleefan, wuxuu sitaa telefoonada yar yar ee in la jawaabo oo qudha iyo in lagu kaydsado lanbarada loogu talo galay. Waxaan weydiiyay anigoo dhoola cadaynaya cida soo garaacday, wuxuu iigu jawabay sidoo kale isagoo dhoola cadaynaya garan maayo. Wuxuu dabadeed qabtay taleefankii, codka qofka la hadlaya waan maqlayaa oo mid Raggeed, waa PHARMACY waxa la soo garaacay, qofkuna wuxuu ku leeyahay; Dawadii CANCER-ku way timi ee soo doono. Wuxuu uugu jawaabay waayahay.
Anigu waan qalalay markaan maqlay, wax aan idhaahdana maankaygu wuu soo qaban la'ayay, waxaan isku dayayaa inaan caadi u muuqdo balse dareenka, xaalada iyo waxa isugu biiraya Ruuxaas binu aadamka ah ayaa ii diidan.Isagoo dhoola cadaynaya ayuu dabadeed isoo eegay markuu dhameeystay taleefankii. Waxaan weydiiyay; Ma CANCER baa ku haya?. Wuxuu iigu jawaabay; Haa.Waxaan weydiiyay; Ilaa goorma ayuu ku hayay ? Wuxuu iigu jawaabay; in badan, mudo yar baa ii hadhay oo in aan dhinto ayaan sugaa.
By, Shooqi Maxamed