02 Apr
02Apr

Maan guursan, imanay guursan; ee waanu is guursannay. Ma jecli inaan kaaga warramo sidii ay ku noqotay ooridayda iyo goortii aannu is guursannay, baahi badanna uma qabtid ogaanshahooda. Waayo hadh iyo habeen waxaad aragtaa dad gurigooda la yagleelayo iyo sida ay isku guursanayaan, annaguna dadkaas ayuun baanu ka mid nahay. Haddiise laga tegi waayo waxaannu wada joognaa muddo ku siman sannad. Muddadaa dhib iyo dheefba waxaannu kala mudannay waxay ku yaallaan diiwaanka xusuus qorkayaga. Ka soo gudub, haddii aan iyana wax yar kaaga bidhiiqiyo qaabkii is calmashadayada, horta sida aad sawiran karto laba qof mid uun baa wax caashaqa, ka kalena waa la jeclaadaa. Haddaba aniga ayaa jeclaaday, iyaduna iguma nicin kalgacalka iyo caashaqaas. Bal iyaba waa yaabe, aniga oo jecel, haddana bilowgii si bay iigu ad adkayd, is fahankayagu ma wanaagsanayn; la jooggeeda aad uma jeclaysan jirin, la kulankeedana waaban ka meer meeri jiray.

Goortay ogaatay kalgacalka aan u qabo ee ku duugan dubkayga sare iyo dubaaqayga hoose waxay go'aansatay inay ila qaybsato, ilana qabato hadhuubka caashaq ee aan handaafinayo. Waxaan xusuustaa maalintii aan u bandhigtay jacaylka inkasta oo ay afka gacanta saartay, indhahana kala waaxday; dhulkuna la yar wareegay, haddana ilamay yaabin, imanay odhan waan ka soo fikirayaa sida hablaha Soomaaliyeed badidoodu yidhaahdaan, waxayse igu qaabishay weji furan, laab furan iyo gacmo furan. Waxay iyada oo farxad xishoonaysa igu tidhi: Ma hubtaa oo walaal ma i jeceshahay? Anna aniga oo hanwayn, hubana waxaan ku idhi "Haa, waan ku jecelahay, oo waliba waxaan rabaa inaad oori ii noqoto, ubadna ii dhasho". Run ahaantii hadalkaygaa danbe aad ayay ugu faraxday, waxaanan hoos isu idhi hablaha Soomaaliyeed wax si dhaba u jecel haddii ay heli lahaayeen waxay noqon lahaayeen hablo wanaagsan. Haddana waan ka istaaqfurulaystay.

Soo Diyaariye; ShawQi Mohamed

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING