Goortuu warankii wadnaha igaga likaysnaa iga go'ay, iyadana saarkii kalgacalku ku soo degay, waxaannu bilawnay is weydaarsashada hadallo naxariis iyo nimco ka ceegaagto. Waxaannu isku miisnay ammaan iyo erayo kalgacal huwan. Erayadaa kalgacalka xambaarsan ee aannu isku qulaaminaynay waxay dareenkayaga ruuxeed iyo kaayaga nafsadeedba u ruxayeen sida laan gebi ku taal oo ay lulayaan dabayluhu. Waxaan hollinayay xaggeeda, markaasaan is lahaa haf ma siisaa, haddana waan hinqanayay; Waxay hiyiga ku haysay inay hab ku soo tidhaa laabtayda, haddana waa hibanaysay.
Annaga oo isku soo dhawaanayna, dhinacayaguna istaabasho ku dhaw yahay ayaa waxay ku beeraqday: "Waxaan kuu balan qaadayaa inaanan waligay kaa dhiman doonin; waligay kaa xanuunsan doonin; waligay kaa dul dhaqaaqi doonin haddii aad bukooto; waligay ku iloobi doonin haddii aad dhimato, Allaba igama kaa dilo'e". Weedhahan la yaabka leh waxaan u haystay in muxubbo iyo kalgacal ka keenayaan, waa danbase waxaan ogaadey inay wax ka jiraan. Waayo muddadaa aannu wada joognay ee sannadka ah tiraba dhawr jeer ayaan xanuunsaday anigu, iyana xanuun daaye xataa hargab kuma dhicin, oo maan arag iyadoo maalina uxuu.. uxuu.. leh. Haddana waxaan aaminay inaanay iga dhimanayn. Dhawrkaa jeer igama dheeraan, igamana dul dhaqaaqin, ee dhinacayga ayay ku dhammaysatay. Tuf iyo taxliil, badhi iyo burcad; burde iyo belo xijaab iyo wax aanay igu deyini ma jirin. Waxay ii baxnaanisay sidii madi hablo badan la dhashay. Dadku markii aan ka soo kacay xanuunka, waa iga rumaysan waayeen waan jiranaa!!
U noqo haasawahayagii, guri, gaadhi iyo guunyo toona igamay dalban. Waxay ii ballan qaaday in ay ku niyad samaan doonto hadba wixii waayuhu ii dhiiqo. Waxay nidar ku martay in ay dhib iyo dheefba ila qaybsan doonto. Anna waxaan wacad ku maray inaanan hoojin doonin, hagar daamayn doonin, hantaaqana u gaysan doonin. Ballan qaadyadani ma ahayn kuwa afka laga leeyahay, mana ahayn kuwa ay qiiro keentay, waxayse ahaayeen kuwa Alle nagu ogaa, uurkana ka soo go'ayay.
Soo Diyaariye; ShawQi Maxamed.