wuxuune ku soo barbaaray magaalada Cadan ee dalka Yaman, wuxuu ka soo shaqeeyey shaqooyin kala duwan oo ay ugu badnayd maraakiib uu ugu kala gooshey meelaha ay ka midka yihiin Yurub, Asia iyo Carriga Maraykanka, wadamada Kuweyd iyo Sucuudi Arebiya ayuu iyagana Maaweel shaqooyin kale ka soo qabtay; Sanadadii sideetameeyadii wuxuu ahaa guddoomiyihii kooxdii shaqaalaha ee Xasuus. Maaweel hadda wuxuu ku nool yahay xerada qaxootiga ee Xagar Dheere oo ku taalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Maaweel wuxuu ka mid yahay magacyada ugu caansan gabyaaga soomaaliyeed ee hadda nool, wuxuu leeyahay gabay xagga murtida iyo dhinaca afka soomaaligaba hodan ku ah oo u qaybsama kuwo waddani ah, qaar kaftan iyo jareexo ah oo ay rag ay saaxiibo yihiin isku xifaaleeyeen oo ay dadka dhegaystaa si weyn u jeclaystaan, iyo kuwokale, waa abwaan waddani ah oo dalkiisa iyo dadkiisa iyo dhaqanka soomaalida iyo kan muslinkaba si aan la soo koobi Karin u qadariya, Maaweel waa abwaan dabci-san oo fur-furan, bulsheyna ah, isla markaana xishoodka iyo tixgelinta deeqsi ku ah…marka aad la joogto kama dhergaysid sheekadiisa xigmadaysan ee u badan suugaantiisa iyo dhulalkii uu waayo waayo soo maray. Maaweel wuxuugabayada ka racay aabihii labadiisa awoowe mid ka hooyadii iyo midka dhinaca aabihiiba abati yaashii iyo habaryarihiiba waxaa jiray gabay uu tiri yey awoow giis aabe oo ahaa isada tan.
Talaabada guracan geelu waa tigintigleeyaaye
Uurka ha ka tawelin nin kuu taagan baan ahaye!.
gabaygii ugu horeyey ee uu Maaweel tiriyo wuxuu jiray 19 sano wuxuuna joogay magalada cadan habeenaroos ah isaga iyo abtigii nin ah oo la oran jiray Cabdi Saalax (Boqole) baa wuxuu arkay Maaweel oo gabdho arooska jooga sal-salamaaya markaas buu abtigii Maaweel u gabayay oo yiri sidan.
Cishihiyo aroortii haddaad daba carraabayso
Sidii Caynaboo kale haddii calan laguu saaray
Oo ay taagtan kugu caashaqeen ma lihid caaqiibe!!.
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.