la yidhaahdaa ka mid ahayd, markaasaa aroosyadii ay ka gabyi jirey ee ku caweeyn jireen baa loo diidey oo waxaa la yidhi: “Laba iyo toban wiil iyo laba iyo toban gabdhood baa ka ciyaaraya oo Team Party baa loo beddelaye idinku raali naga ahaada kolkaasay xoogaa haantaa haduub la ahi nagu dhacday, dabeed waxay la noqotay in uu ciyaalka gaafka ka qabsaday in uu gabay ku muquuniyo ilayn hubkii ugu weeynaa ee markaa la isu adeegsan jirey gabay buu ahaaye, wuxuuna mariyey tix ay meerisyadani ka mid ahayd.
Inta wiil tabaadi u dhashay oo maantana is taagey
Oo ay turuqyadiisii madheen taharihii jiidhku
Oo aan waalidiintiis wax tarin tacaddi mooyaane
Oo ay tolkii kala samreen laysna taakulinin
Oo cudur Tuwiistiya dhamaan lagu tabaaleeyey
Todobaatan waa lagu hubaa tiinkan soo baxaye
Timahaa ka badan inamadaan wada tebaayaaye
War hooy Timir laf baa lagu arkee taa ha la ogaado!!.
markuu gabayga amarshay baa dadkii ka qaday maaleelada laga wada xidhay baarakay ku ciyaari jireen ayana baaba een
Maaweel intaa ka bacdi wuxuu la si baxay suuugantii si fiican waxayna aad iyo aad gabay isugu tirin jireen nin ay saaxiib ahayene oo la oran jiray Baare Cilmi Dable oo ay isku hayaan reer Sacuudi waxa markii danbena ay gabayo waa wayn oo qima badan isku tiriyeen nin la oran jiray Khaliif Xasan Walah oo ahaa reer Muqdisho markaa ay iyan joogeen Sucuudiyaga oo aha nin ka dawayan baa loo geyey gabayo ay isku tiri yeen Maaweel iyo Bare oo lagu yiri gabaygan sinlayda ah waxa isku tiriyey labada wiil kamana yaqanin in aad tahay inin jira reer raga u gabay markaas buu tix gabay ah u diray Maaweel waxayna ahayd sidan.
Barre wuxuu Siraadley u koray guudkana u seexday
Maaweela surucii ku kacay Surrad u gaadhsiiyey
Oo labada buuroode siman maanta kala saaray
Oo ay safaynka u yihiin loona kala soocmay
Ee reer Sanaag nabad gelyada ugu safaadaayo
Ma sinsaaro xidid baa dhacdoo maro la saaraayo
Ma sabool hunguri jiitey baa loo suburi waayey
Ma sokeeye gaajaysan baa sarar wan weyn qaatay
Ma ciqaabadaa sahakan dhacay laysku weada seegay
Mise reer magaal saaqidaa seef isugu dhiibey
Saqda dhexe waxaa loo tumaa sacabka waa xeele
Sididiida iyo hiihdu waa sogordoh waayeele
Suul-daaro meel loo wadaa lay sandahayaaye
Ilaa gabayga meel lagu sardoho sababna loo yeelo
Oo aan saxiixiisa helo waydin sugayaaye
Saaxiibayaal noo dhakhsada waydin sugayaaye!!.
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.