Abwaan Cabdilaahi Hinig, Wuxuu ahaa Abwaan weyn oo aad looga yaqaanay Cariga Somaliland, wuxuu deegaan ahaan ka soo jeeday Gobolka Togdheer. Gabayganina wuxuu ka mid yahay Xikmadihiisa iyo Hal mudeeciyadiisii mugga lahayd, sida ka muuqata doonta midhaha Gabayga.
Marwo quruxda dumarkoo dhan bay muunad Dheertahaye
Hadii aanay magoolkiyo ka dhalan meel aan garanaayo
malyuun lacag ah eraygeeda qudha kuma mataaleene
magaceeda kama naadiyeen Makhiyo Shaanshaane
in la maro madow iyo caddaan muumin iyo gaalo
makhluuqoo dhan bay sida shamsada magane nuurtaa
mashaayiikhda iyo Saadadaa lagu maleeyaaye
marjaheeda laafyaha markay maarch u soconayso
minjaha iyo socodkaa laga gartaa siday u miisaanto
ma makiinad baa lagu sar jaray maalintay dhalatay
mise waa Marwow xuural cayn lagu muraaqawye
sidii Minilik dahabkuu qotay iyo macawisii Saaxil
mid Jawaahiray naago kale maankii qaban waaye
manfac igama suuliyo hurdada muxubadeediiye
ragana ninaan maqaamkeed ahayn mulug haduu keeno
minawaarro donyiyo hadduu maylal soo geliyo
inuu midigta saaraa ka duuf midab haldhaalaye
masraawida la moodyay ninkii midhayar loo diidye
mayduun fardood iyo dabka iyo meeridii lacagta
maydh iyo idiin baanu bixin magacu waa geele
inta aan laba marqaaflaa xun iyo maydhaf lagu siinin
ama nimanka beeyada mudmuda lagugu miidaamin
milatariga Nuux baan ahaye mar ila soo joogso.
Soo Diyaariye; Shooqi Mohamed