Oday waayeel ah oo indheer garad ah ayuu ahaa. Inantisii ayuu wiil u guuriyey. Marka hore baahi ayaa la isu qabaa, mid walbana kan kale malag ayuu u haystaa, hoosna la isuma oga. Tan kale mar haddii aroos dhaco oo la aqalgalo jannadii aakhiro in la galay oo dhib adduun intaas ku dhamaatay ayay dhalinyaradu uqabaan.
Sidey doonto ha ahaatee miyigii la isku guursaday ayaa muddo la isku qabay, ka dibna meeshu waa adduun, Carrab iyo Labadiisa Daan baaba is qaniina e waa la is qoonsaday, dhalinyarada badankeeduna ma dareensana inantaan inuu xilkeedii si buuxda ula soo wareegay oo dhib iyo dheefba ay labadoodu is huranyihiin. Wuxuu rabaa inuu wixii wanaag ahna ka nuugo, wixii dhib ahna reerihii USOO koriyey markiiba kula ordo.
Ka dib maalin maalmaha ka mid ah ayuu Odaygii soddoga ahaa u ergooday. Odaygii na maandhow orod oo reerkaaga dhaqo ayuu ku yidhi. Muddo ka dib buu ergo kale kula soo laabtay odaygii, jawaabtuu odeygii ka helay markan danbe waxey aheyd bal labadiina keliya ahi ii wada kaalaya, Aqalkii ayaaa sadexdoodii ku keliyeysteen.
Meeshu waa miyi dhar fiican lama haysto. gabadhu waa in ay maro keliya leedahay. Odaygii gabadhiisii ayuu ku yidhi Aabbe marada aad gashan tahay iisoo fur!. Waxay tidhi: aabbe maro kale ma haysto. Wuxuu yidhii: waa yeelkaaye ii soo fur. Gabadhii way fakartay: Aabbe amarkiisa lama diidi karo oo waa waalid, hortiisana la iskuma qaawin karo!.
Intay kacday oo ninkeedii dhinaca shishe kaga gabbatayy ayay maradii soo furtay oo usoo taagtay aabbeheed!. Odaygii wiilkii ayuu ku jeestay oo wuxuu ku yidhi: waryaa ma aragtaa?. Orod oo naagtaada mar dambe ha iiga soo dacwoon.