Dugsiga sare Markaan Dhigan jiray, Wiil aanu isku fasal ahayn ayaa intuu ii yimi i weydiistay Qalin beensal. Waxay noqotay mid joogto ah, oo todobaad kasta laba jeer ayuu i weydiin jiray,Markuu ku dhamaystona wuu iisoo celin jiray, ilaa intaanu Dugsiga Sare Ka Baxaynay.
Iskuulka ka dib waxaanu noqonay laba qof oo iskugu dhaw. Maalin maalmahaka mid ah baan weydiiyay sababta uu had iyo jeeraale i waydiin jiray qalin beensalka. Inta uu dhoolo cadeeyay ayuu igu yidhi; Waxaad jawaabta ka helaysaa Qalinka.
Ka dib aniga oo degdegaya ayaan gurigii ku noqday, waxaanan baadi goobay qalinkii uugu danbeeyay ee uu iga qaatay, waxa girgirka qalinka oo dirqi lagu arki karo waxa ku qoran ( WAAN KU JECLAHAY......WAAN SE KA CABSOONAYA INNAAN KU IDHAAHDO ). Anigoo dhoola cadaynaya ayaa waxa ii cadaatay inuu Dusgiga Sare oodhan intaanu ku jirnay, mar walba iisoo qoraayay balse ay iga qarsoonayd !
Shooqi Mohamed