Waxay ahaayeen laba ku qanacsan dareenkooda, runtiina la odhan karo waxay ahaayeen laba dhab isu jecel. Muran kagama jirin inuu ka kale si lamida u jecel yahay, waxaase dhacday inay gabadhii maalin maalmaha ka mid ah ay go'aansato, sidii ay u xujayn lahayn Inankii ay is jeclaayeen. Waxaanay ku xidhay in aanuu maalin dhan la soo xidhiidhin, taleefan iyo fariin usoo dirin, soona booqan, haddii uu intaa ka soo baxana uu noqon doono kay abidkeed jeclaan doonto.
Sidii ayuu yeelay oo aanu maalintii lasoo xidhiidhin soona booqan oo ay 24 saacadood ku dhamaadeen. Waxaanu ogayn se inay nolosheeda oo dhami ka hadhsanayd 24 saacadood, sababtoo ah wadnaheeda oo gudbin waayay dhiiga. Markay gaadhay wakhtigii ayuu gabadhii isagoo faraxsan tagay gurigoodii, isagoo ku dhawaaqaya waan ka soo baxay Xujadii !! Waxa xigtay ilmo indhaiisa ka soo daadata markuu isha ka qaaday gabadhii oo naxash ku jirta, warqad baa loo dhiibay ay uuga tagtay , waxaana ku qornayd '' Waad ka soo baxday xujadii, waanan ku baryayaa sidaa samee maalin walba, inaan ku jeclahayna ogoow ''
Soo diyaariye; Shawqi Maxamed