Maroodiga kiisa uugu dheer waxa lagu qiyaasaa 7,5 Mitir, halka kiisa uugu culusna yahay 6 tan. Sidaan wada ogsoonay wuxuu Maroodigu leeyahay Gacan, taas oo uu u adeegsado, xidhiidh ahaan iyo inuu wax ku qabsado, ahna sankiisa. Maroodiga Afrika wuxuu leeyahay laba fool marka la barbar dhigo ka ASIA oo isagu leh mid qudha.
Koritaanka foolka Maroodigu maaha mid joogsada ilaa inta uu noolyahay Lab iyo Dheg toona.
Maroodigu wuxuu u noolyahay qaab ka duwan sida xayawaanka kale, tusaale ahaan, Qalanjada ayaa caruurta la joogta oo ku dhex noolaata xaymaha kale. Halka Maroodiga Labkiisu isagu badanaa keligii nool yahay ama uu mar marka qaar la midoobo qaar kale oo iyana Lab ah. Qoys ahaan Maroodigu badanaa waxay ka kooban yihiin 10, balse waxa dhici karta mar marka qaar inay midoobaan laba qoys oo ay isku noqdaan todobaatan ay Qalanjo ( Maroodiga Dhegiisa ) hogaan u tahay.
Maroodiga Afrika wuxuu leeyahay laba nooc, midi waaka uugu balaca weynoo waxa la yidhaahdaa ( Loxodonta africana africana ) waxaanu dhex doogaa meelo kaymo leh balse u badan Doog ama cagaar.
Ka Kalena wuxuu ku nool yahay meelo kaymo waawayn leh sida Afrikada dhexe iyo Afrikada waqooyi .