19 Mar
19Mar

Waxa Uu Geela Ku Hayey Meel Cidla Ah Oo Magaalda Berbera U Jirta Qiyaas 40km Dhanka Bariga Ee Waliba Xeebta Ah Oo Lagu Magacoobo Cada Qordo Ama Abu Seef Caydiid Geela Uu

Haystay Waxa Uu Ahaa Tiradiisu 60 Halaad Waqtigu Waxa Uu Ahaa Jilaal Waayo Had Iyo Jeer Xiliyadii Hore Waxa Dhul Weynaha Guban Loo Yaqaan La Iman Jiray Waqtiga Abaarta Iyo Jilaalada Oo Lagu Sugi Jiray Goga Caydiid Waxa Uu Geela Haystay Kaligii Wax Markaa U Irmaanaa 10 Halaad Oo Midi Igadh Tahay Iyo Sagaal Nirgo Wata Meesha Waxa Ka Baxay Geedka Loo Yaqaan

Gulaanka Oo Ah Geed Niifkii Cunaa Noqdo Caano Iyo Baruur Ismar Kaana Inkasta Oo Uu Ka Maqnaado Biyaha Marka Uu Helo Ka Caba In Badan. Laakiin Geelo Markaa Caydiid Haystay Waxa Uu Cabaa 8 Cashoba Maalin Maalin Waayo Waqtiga Ayaa Qaboobe Ahaa Waxaana Uu Ka Waraabiyaa Ceelka Cado Qordo Caydiid Dadiisu Markaa Waa 27 Jir Waana Kaligii Laakiin Marka Uu Waraabinayo Geela Waxa Uu Ceelka Sii Tagaa Salaada Ama Barqada Si Ay Ugu Suura Gasho In Geela Waxraabi Ilayn Cid Horta Ma Haysto Laakiin Geela Ayaaba Ahaa Ah Mid Af Yaqaan Ah Waayo Marba Wax Timaada Hormo Ilaa Salaad Duhor Marka Uu Wada Cabo Ayuu Malaa Hashii Igadhka Ahayd Oo Magaceeda La Yidhaahdo (Sarays)

Caydiid Geel Ma Raaco Ee Wax Uu Sii Tagaa Xerada Maadaama Oo Meeshu Tahay Meel Aanu Waraabe Iyo Wax Kale Toona Uga Warwar Qabin, Geeluna Habeenkii Isagaa Xerada Yimaad Oo Marka Ay Tahay Ilaa 10.00 Habeenimo Ayey Hasha Ugu Danbaysaa Timadaa. Ilaa Inta Ka Horaysa Caydiid Waxa Uu Geela U Malaa Hashaa Igadhka Ah Oo Ah Hal Markasta Oo Ay Godlato Uu Caanaheeda Ka Dhargo Isla Markaana Uu Ku Sugi 

Karo Inta Sagaalka Halaad Ee Nirgaha Wataa Xigsimoonayaan

Mr Caydiid Waxa Uu Geela Markaa Meesha Ku Hayey In Ka Badan 4bilood Waana Meel Aanu Caydid Geela Uga Warwarin Cadaw Bahal Iyo Mid Dad Toona Waayo Meesha Uu Jooga Oo Ah Meel Aan Loo Tuhmayn In Xoolo Ku Nool Yihiin Laakiin Caydiid Waxa Uu Ka Dhashay Reer Aan Markaa Caruur Badan Lahayn Waayo Isagaa Ugu Weynaa Oo Waxa Uu Ahaa Curadkii Wacays Raambe.

Waxa Uu Markaa Reerkoodi Kaga Yimi Afka Dawga Loo Yaqaan Miriye Waxaana Reerkii Ugu Danbaysay 4 Bilood Ka Hore Cid Ka Timaadana Ma Arko Caydiid Markaa Maaha Nin Leh Xaas Waana Ninkaa Damaciisu Siiyey In Uu Geelooda Geeyo Meel

Aanay Xoolo Kale Joogin Inta Uu Geel Jaceyl Ka Qabo,

Caydiid Waxa Uu Halkii Jogobo Oo Ay Sidii Ahaatoba Wax Soo Dhawaaday Waqtigii Guga Oo Wax Ay Noqotay Kaliil Geeliina Waa Hiyey Oo Wax Doonayaa In Meesha Ka Baxo Oo Qabto Dhulkii Xiliyadan Oo Kale Jooji Jiray Waliba Caydiid Wax U Mooqday 20 Halaad Oo Gu Rin Ah Oo Dhamaan Wada Qas Gooyey Isla Markaana Candhada Labada Low Ku Celinaya.

Caydiid Waxa Uu Doonayaa In Ilaa Inta Roob Da’ayaa U Muuqdo In Aanu Geela Sii Dayn Waayo Waa Kaligii Oo Waa Ka Kala Baxsanayaa Hadii Uu Sii Daayo Iyadoo Aan Roob Di’in Si Kalena Waa Baqayaa Oo Wax Uu Ka Baqayaa In 20 Halad Ku Dhalaan

Halkan Oo Markaa Ay U Socon Waayaan Riguhu Caydiid Ayaa Badlay Sidii Uu Markii Hore Ahaa Oo Waxa Uu Raacay Geelii 

Maalintii Si Aanu U Kala Baxsan Geelo. Caydiid Wax U Yimi Maalintii Danbe Nin Ay Ilmaadeer Yihiin Oo Magaciisa La 

Yidhaahdo Maxamed Dhamac Oo Ku Socday Magaalada Berbera Fariin Uu Caydiid Aabihii U Soo Farayna U Siday Una Sheegay Wax Ay Ahayd Isagoo Ku Yidhi Odaygii Aabahaa Waxa Uu Igu Yidhi Waar Hadii Aad Ninkii Caydiid Iyo Geelii Ugu Tagto

Nolol Waxaad Ku Tidhaahdaa Geela Ka Soo Kaxee Meesha Cidlada Ah Ayaanu Libaaxu Kugu Cunine Waxa Kale Oo Uu Maxamed Caydiid U Sheegay In Reerkoodii Ka Guureen Meeshii Una Guuray Xagaa Iyo Dhankaa Oogo Caydiid Waxa Inadeerkii Maxamed La Joogay 5 Habeen Waxaana Uu Kula Taliyey In

Geela Meeshan Cidlada Ah Geela Ka Kaxeeyo Waxaanu Uu Caydiid Markaa Doonaya In Hadii Aan Wax Raxmad Ahi Muuqan Aanu Ku Degdegin In Geela Meesha Ka Kaxeeyo Waxa Sidii Ahaatoba Waxa Maalintii Danbe Muuqday Dhoolkii Raabka Guga Ugu Horeeyey Waxaana Uu Iska Taagay Meel Bari Fog Ah Caydiid Waxa Uu U Baxay Buur Dheer Si Uu Roobkaa Isha Ugu Hayo Wuxuu Soo Da’oba Markii Ay Qoraxdu Gudka Gashay Oo Roobkiina Markba Marka Ka Danbaysba Sii Balaadhanayo Ayuu Ka Soo Dagay Buurtii Oo Geelii Oo Jooga Meel Aad Igu Muuqata Caraabiyey

Lasoco Qaybta Danbe Oo Aad U Xiiso Badan


Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING