19 Mar
19Mar

Urtay Markii Danbe Saxansaxo Roobkiina Soo Dhawaaday Geeliina Waa Kacaa Fadhiistay Habeenkii Caydiid Hal Muu Maalin Waayo Waa U Gudlan Waayeen Halihii Irmaanaa 
Roobkaa Hilaaciisu Muuqdo Daraadeed Habeenkaa Caydiid Waa Qaday Wax Caano Ahna Muu Cabin Laakiin Isagaabaan Uga Fadhiyin Geelaa Habeenkaa Caano Oo Waa Nin
Geel Yaqaam Ah Caydiid, Maadaama Oo Geelu Awalba Hiyesanaa Caawana Wax U Muuqda Roobkii Goga Horaantiisii Oo Durba Saxansaxada Udgoonka Badan Ayaa Soo Uraysa Wax Uu
Roobkii Soo Da’oba Markii Waagu Hoosta Ka Casaaday Ayaa Roobkii Wax Uu Soo Gaadhay Buurta Dheer Ee Silsilada Golis Marba Marka Daynbaysa Waa Sii Waynaanayaa Roobku Caydiid Markii Cadceedu Soo Baxday Ayuu Geelii Dareeriyey
Oo Is Yidhi Ha Daaqo Laakiin Geelii Maalintaa Af Madhigin Olol Ayuu Isku Daray Marba Meel Buu Is Tobay Inba Dhanbay Iska Qabtay Caydiid Maalintaa Wax Ay U Ahayd Saalax Weeto Roobkiina Wuxuu Soo Dabo Wax Uu Markii Danbe Soo Gaadhay
Laamiga Caydiid Wax U Cadaatay In Roob Day Laakiin Yaa Uga Soo Waramaya In Uu Roobku Xagaa Oogo Jiro In Kale Habeenkii Ayuu Caydiid Geelii Xeradii Keenay Cabaar Markuu Joogay Ayuu Hashii Igadhka Ahayd Soo Gudlay Habeenkaa Waa Maalay
In Yar Kadib Kuwii Kale Ayuu Maalay Habeenkana Caydiid Muuseexan Waayo Waxa Uu Ka Baqayaa In Geelu Ka Gudo Ee Xerada Oo Madhan Uu Kasoo Tooso Subixii. Wax Uu Caydiid Habeenka Ka Tashanayaa Sidii Uu Geelaa U Gali Lahaa Talada
Ayuu Marba Dhan Kaga Yimi Mar Wax Uu Yidhaahdaa Geela Malinta Birto Sii Daa Oo Wax Uu Cuno Dhulka Ka Waaye Maayee Xagaa Iyo Oogo Iska Qabadsii Hadana Waxa Uu Yidhaahdaa Oo Ma Iyadaan Wax Dooghi Soo Bixin Ayaad Geela Sii Dayn Kartaa
Waa Waa Nacasnimo Ee Geela Inta Doogo Soo Baxyao Halkan Ayaa U Fiican Uu Ka Jiilaashaday Ee Ku Saalax Weetee Oo Markaa Ama Wax Kuu Muuqan Doona Roobkale Ama Kan Day Ayaa Naqoobi Doona , Marba Dhanbuu Kaga Dhuftay Laakiin Caydiid Waxa Uu Aad U Jecel Yahay Geela Oo Hadii Hali Olosho Caloosha Canuunaysa. Dhanka Kale Caydiid Waa Yara Baqayaa In 20tan Halaad Ka Dhalaan. Habeenkaa Wax Uu Caydiid Talo Ku Gaadhay In Uu Geela 7 Maalmood Meesha Ka Hayo Geela Inta Ama Geedo Soo Baxyaan Ama Roob Kale Da’aayo. Sow Caydiid Wax Uu Meesha Ku Sugayaa Waa Jabkisa Iyo Ceel Kaanbi Hadhaw Uu
Qaado Markii Ay 5 Maalmood Tagtay 7 Maalmood Ee Uu Ku Go’aansaday In Geela Meesha Ku Sii Hayo Ayaa Habeenkii Danbe Geelii Hali Ka Fadhiisan Wayday. Geeliibaa Iswada Tobay Marba Dhanbuu U Guulmaa Caydiid Shaki Baa Galay Oo Waxa Uu Is Yidhi Malaa Geelu Caawa Wax Uu Arkaa Waa Libaax Marba Dhanbuu
Caydiid Geelii Kaga Soo Wareegay Caydiid Wax Hub Ah Wax Uu Haystaa Waran Laba Afle Ah Iyo Dhangad Madheedh Ah Oo Xerada Ugu Aasan Xili Danbe Ayuu Geelii Yara Fadhiistay Caydiidna Intuu Soo Diyaar Saday Warankii Ayuu Yara Seexday
Markii Habeenka Intiisa Badani Tagtay Ayuu Caydiid Ku War Helay Geelii Oo Didmo Ooda Jabiyey Iyo Cabaad Warankiisii Iyo Dhangadii Madheedhka Ahayd Ayuu La Soo Booday Wax Uu Ka Dul Dhacay Hashii Kuuni Oo Ka Mid Ahayd 20 Halaad Ee
Dhalayey Oo Libaax Caloosha Ka Soo Riday Wax Uu La Du Fuulay Ushii Libaaxii Ayaa Caraaray Markii Uu Sadex Ka Jaray Dhangadii Madheedhka Ahady Geelii Intii Kalena Markii Ay Caydiid Hadalkiisii Maqlay Ayuu Isa So Tobay Ilayn Bahalkan Helay Waa Libaaxe Geeluna Sida Raga Yaqaan Ku Sheegaan Marka Libaaxu
Helo Hadii Uu Hadal Dad Maqlo Sida Waraabaha Uma
Yaaco Caydiid Wax Kale Oo Uu Xidhan Yahay Laba Go Oo Cadcad Mid Uu Guntan Yahay Iyo Mid Uu Huwado Labadii Go Ayuu Caydiid Sara U Tagay Si Uu Libaaxu Dab U Moodo Geeliina Marba Dhanbuu U Yaacay Caydiid Oradkaa Dhamaa Caydiid Wax Uu
Isleeyahay Geelu Yaanu Kaa Kala Yaacin Oo Bahalku Cidka Ka Helin Caydiid Maaha Nin Isagu Ka Baqaya Libaax Oo Ugama Duwana Dawaco Iyo Waraabe , Saacado Danbe Ayaa Geelii Inyar Is Tubay Caydiid Ayaa Hashii U Tagay Mise Waa
Nooshahay Laakiin Calooshii Ayaa Dhulka Daadsan Caydiid Hashii Si Kale Oo Uu Galo Markii Uu Garan Waayey Ayuu Bireeyey.
Geelii Yaa Hadana Didmo La Oogsaday Dibuu Ugu Cararay Isagoo Ku Dhawaaqaya Erayo Ay Ka Mid Yihiin Hooy Hooy Iyo Diiy Geelii Ayaa Is Tobay Caydiid Wax Uu Xasuustay Xabad Kabriid Ah Oo Ku Jirta Jeebkiisa Wax Uu Ku Qabtay Dhir Caws U Badan Oo Uu Dhextaagnaa Dabkiibaa Hawada Qabtay Geelii Yaa Dabkii Isku Xeeray Oo Ka Dhigtay Wehel Labaad Laakiin Dabku Maaha Mid Raagaya Oo Dhirta Ayaa Ah Wax Aan Dhaafsiisnayn Olol Mar Ah Yeelkeeda Candhona Waa Xubin Caydiid Intuu Geelii Dhan Walba Kaga Shiday Dab Markaasuu Geeliina Didmadii Farah Badnayn
Iyo Yoolkii Hoose U Yara Dhigay Markaa Waqtigu Waa Waag Soo Dhawaad Caydiid Dabkii Ayuu Sidii Ku Wada Wax Uu Soo Uruiyey Dhir Gulaan Ah Oo Fara Badan Ilaa Saacad Ayuu Dabkii Si Fiican U Baxaayey Oo Dhan Walba Geelii Kaga Shiday Geeliina Waa Fadhiistay Laakiin Nnkii Caydiid Isaga Fadhi Iyo Hadal
Toona Uma Soo Galena Waxa Uu Ku Jiraa Difaac Aan Ka Go Lahayn,Habeenkaa Caydiid Sidii Baa Waagu Ugu Baryey Markii Waagu Baryey Caydiid Wax Uu Ugu Horaysiiyey Raadkii Libaaxu Meesha Uu Ka Yimi Iyo Meesha Uu Markii Danbe Qabtay Waa Raadiyey Mise Bahalkiiba Wax Uu Afka Saaray Burtii Geeli
Daaqi Jiray Xageedii Caydiid Waa Soo Noqday Wax Uu Is Dul Taagay Hashii Mise Kuuni Maxaa Cadho Haysa Marna Wax Uu Eegaa Meeshii Bahalka Raadkiisu Maray Marna Hashii Marna Geelii Kale Oo Wali Aan Dareerin Ilayn Cadho Naftu Kaama Baxdo
La Soco Qaybta Sadexaad

Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.


Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING