Libaaxi Ayaad Raadsataa Marka Uu Xaga Geela Eegona Wax Uu Is Yidhaahdaa Waar
Intan Hadhay Iska Kaxee Marka Uu Hashii Kuuni Ee Libaaxu Cunay Eegona Wax Uu Is Yidhaahdaa Walaahi Hadii Bahalkaa Kuuni Cunay Maanta Adigoo Aan Raadin Oo Ay Daan Is Mudan Bahalkii Dhashaada Danbena Caqiibo Malaha Wax Uu Caydiid
Go’aansaday In Uu Geela Inta Hadhay Kaxeeyo Geeliibuu Dareeriyey Ilayn Subaxaa Maalisi Ma Jirtee Wax Uu Afka U Saaray Xagaa Iyo Banka Weynaa Ee Goobaare Geeluna Markii Horeba Waa Doonayey In Maruun Xagaa Loo Dareeriyo Geeliibaa
Toore Isku Dalabtiray Caydiid Wax Uu Urursaday Dhamaan Wixii Qalab Xirada Ka Yaalay Sida Godintii, Ushii, Warankii, Hadhuubkii, Koorihii Geela Uu Ka Foray Iyo Wixii Kale Ee Xerada Geelu 4bilod Ka Dareerayey Yaalay Waxa Uu Caydiid U Dhaqaaqay Xagii Raqdii Hashii Uu Libaax Ka Bireeyey Wax Uu Markiiba Dooxay Dhanka Bidix Ee Uu Beerka Geelu Ka Dhaw Yahay Beerkii Ayuu Waxoogaa Ka Goostay Geeliibuu Ka Daba Tagay, Wuu Gaadhay Geelii Wuu Iska Daba Galay Ciil Gaanbi Iyo Cadho Badan Naftiisa Ayuu Hiifayaa Wax Uu Leeyahay Hadii Aad Maalintii Uu Maxamed Dhamac Kuu Yimi Aad Geela Sii Dayso Waxaasi Kuma
Heleen Laakiin Wax Waliba Waa Idinka Alle Caydiid Wuxuu Geelii Iska Daba Galoba Wax Uu Maalintii Ku Dubtay Beerkii Uu Ka Soo Goostay Hashii Kuuni God Ku Yaala Buurta Dibir Madaw Geeliina Wax Uu Ku Yara Xasilay In Xajiin Ah Oo Uu Ka Helay Gurta Daba Yare Hoosteeda Qoraxdiibaa Gaabatay Caydiid Intuu Buur Yar
U Baxay Ayuu Geelii Tiriyey Mise Waa Dhan Yahay Intii Ka Soo Hadhay Libaax, Markii Salaadii Maqrib Tukaday Ayaa Isgu Dhawaaqay Dabaduu Kaga Dhacay Wax Uu Habeenkaa Fadhiisiyey Ilinta Dhextaal, Cabaar Kadib Caydiid Wax Uu Maalay Hashii Sarays Ilaa Saacad Kadibna Halihii Kale Ayuu Maalay Wuu Iska Seexday
Ilayn Xalay Oo Dhan Baanu Seexan Caydiid. Laakiin Caydiid Hadii Uu Wax Ogaan Lahaa Hashaa Kaliyana Iskumuu Ceel Kaanbiyeen Habeenkaa Geela Muu Fadhiisiyeen (Waar Ilayn Anagaa Ibtilo Aragnay) War Lahaanbaa Wadaada Rogay
Sow Balaayo Kaama Hadhee Habalkii Libaax Ahaa Markii Uu Meeshii Tagay Ee Arkay In Hashii Uu Xali Dilay Mooyee Aan Sanku Neefle Kale Joogin Ayuu Raadkii Geela Daba Soo Qabsaday Habeenkii Oo Dhan Wax Uu Bacaadkii Soo Jiidho Markii
Habeenka Afar Meelood Sadex Tagtay Ayuu Isku Soo Dhex Tuuray Geeliibaa Isla Oogsaday Cabaadka Neef Aaran Ah Ayaa Baxay Ninkii Caydiidbaa Warankiisii La Soo Booday Wax Uu Dusha Kaga Dhacay Libaaxii Iyo Qaalintii Ina Casuur Oo Is Dul Saaran Wax Uu Afar Ka Gaadhsiiyey Libaaxii Dhangadii Madheedhka Ahayd Libaaxi Ayaa Caga Wax Ka Dayey Geelii Intii Kale Waa Yaacday Caydiid Waxa Uu Kaba Cararay Geela Intii Kale Waa Joojiyey Go’ii Cadaa Ayuu Kor U Taagay Marba Dhanbuu Geelii Iska Taagay Geelinaa Waa Guul Guulmay Qaalintii Oo Adhaxda Uu Ka Jabiyey Libaaxiina Marba Waa Raftaa Geeliina Waa Ka Sii Didaa Caydiid Wax Ii I Yidhi Taas Dhimataye Inta Kale Libaax Ha Uga Dhex Bixin Habeenkaa Meeshuna Waa Bilaa Dhir Oo Wax Dab Ahi Ma Jiraan Kaaga Sii Darane Kabriidkii Wax Uu Kaga Yimi Jeebkii. Wax Uu Sidii Ahaadoba Waagii Ayaa Baryey Iyadoo Geelii Sidii U Tuban Yahay
Markii Nin Iyo Geed Lakala Gartay Ayuu Caydiid U Dhaqaaqay Xagii Qaalintii Libaaxu Cunay Markii Uu Wax Yar U Sii Jiray Ayey Cabaaday Geelibaa Hadana Diday Dib Uga Soo Caraaray Geelibuu Joojiyey Qoraxdu Markii Ay Soo Baxday Ayuu
Galii Ka Yimi Wax Uu Soo Qabtay Xagee Qaalintii Waa U Yimi Mise Adhaxda Ayuu Ka Jabiyey Oo Wax Kale Ma Qabto Cadho Weynaa Wax Uu Ku Noqdya Hakii Alaabtu U Taalay Wax Uu Soo Qaaatay Tooridii Qaalintiina Waa Bireeyey Ilayn Si Kale Uu U Galo Garan Maayee Markiiba Wax Uu Dooxay Dhanka Bidix Beerkii Ayuu Qayb Ka Goostay Wax Uu Go’aan Ku Gaadhay Maalintaa In Uu Libaax Raadsado Geeliina In Soo Hadhay Badhanka U Dhigo Bankaa Weyn Ee Goobaare. Wax Uu Caydiid Ku Jeefsaday Raadkii Liibaax Wax Uu Raadiyoba Wax Uu Arkay Bahalkii Oo Geed Morah Ah Iska Fadhiya Wax Uu Diyaar Saday Tooridii Warankii Iyo Dhangadii Wuu Soo Dhuuntay Wax Uu Libaax Kaga Soo Booday Meel U Jirtay
Ilaa 50 Talaabo Libaax Ayaa Ku War Hilay Ninkaa Dusha Ka Saaran Waa Booday Markiiba Wax Uu Booday Laba Jeer Waa Ka Goostay Markii Uu Cabaar Ka Caraaray Ayuu Isasoo Taagay Caydiidna Markii Uu Arkay Bahalkii Oo Soo Taagan Ayuu
Hadana Ku Cararay Libaaxiina Markii Caydiid U Soo Jiray Ilaa 200 Talaabo Ayuu Hadana Ka Yara Cararay Caydiid Wax Uu Go’aan Saday Mar Hadii Uu Libaaxii Ka Cararay Oo Aanu
Isaguna Cago Ku Gaadhayn In Uu Geelii Ka Dabatago.
Wuu Isgaga Tagay Libaaxii Isagoo Marba Isu Leh Waar Waad Nacasowaday Ee Hadii Aad Bahalka Meel Intaa Aad Kaga Soo Booday Kaga Soo Boodo Waa Dili Lahayd Adigaa Sii Daayey Bahalka Talabaduu Hoosta Ka Boobay Geeliibuu Soo Gaadhay Wax Uu Maalintii Intii Beerka Ahayd Ee Uu Qaalintii Ina Casuur Ka Goostay Iskaga Dubtay Labada Gurdoo Ee Loo Yaqaan Aqalo Ee Ku Dhex Yara Banka Goobare Markii Salaadii Casar Ay Ahayd Ayuu Caydiid Geelii Isgu Dhawaaqay Wax Uu Is Lee Yahay Caawa Waxaad U Hoysaa Inta Ay Ugu Sokayso Rara Cad Ama Dhuux Awr Qaliyeed Waxa Uu Soo Duuba Caydiid Wax Uu Habeenkaa Geeli Fadhiisiyey Badhtanka Toga Awr Qariyeed Oo Ah Batal Cad Oo Aad Arkayso Wixii Ka Soo Mooqad Ilaa 300 Talaabo Habeenkaa Wax Uu Ku Talo Jiraa In Aanu Seexan Geeliina Hal Habeenkaa
Kamuu Sii Godlin Ninkii Caydiid Wax Uu Soo Jeedoba Markii Habeenka Isntaa Badani Tagtay Ayuu Bahalkii Labaaxa Ahaa Ka Soo Ciyey Meel U Jirta Ilaa 1km
La Soco Qaybta Afraad
Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.