Maxaad Samayn Lahayd Hadii 30 Maalmood Libaax Ku Daba Socdo
Maxaad Samayn Lahayd Hadii 30 Maalmood Libaax Ku Daba Socdo
20 Mar
20Mar
Caawa Mar Hadii Adiga Oo Soo Jeeda Bahalkii Soo Socdo U Diyaar Garaw Oo Midkii Ha Dhinto Caawa Ilayn Caqli Maaha In Habeen Walba Uu Hal Kaa Dilo Adigoo Is Nool Waar Wax Kuu Dhaanta Isagoo Adiga Ku Dila Geeliina Markii Uu Maqlay Cidii Libaax Oo Marba Marka Danbaysa Soo Dhawaanaysa Ayuu Wad Oogsaday Didmada Iyo Yaalka Ayuu Geelii Isla Tubay Ilayn Xanaf Horena Waa Qabaa Geelu Oo Laba Habeen Oo Hore Ayuu Libaaxu Ku Dhexdhacay Caydiidna Waa Diyaar Garoobay Wuxuu Soo Ciyaba Markii Danbe Ayuu Ku Soo Dagay Batalkii Cadaa Caydiid Ayaa Hoose U Fooror Saday Wax Uu Arkay Bahalkii Oo Iska Soo Socda Caydiid Waa Sugi Kari Waayey Cadho Uu Libaax U Qabo Daraadeed Waabuu Ka Hor Caraaray Markii Libaaxiina Arkay In Nin Kusoo Cararay Ayuu Isna Ka Soo Hor Caraaray Markii Ay Caydiid Iyo Libaaxii Isu Jireen Wax Ka Yar 30talaabo Ayuu Libaaxi Moodo Aad U Dheer Ku Dul Maray Caydiid Oo Markaasuu Bahal Ciid Ah Idhaha Uga Buuxiyey Iyo Siigo, Dabayl, Gurxan Iyo Wayaabo Kale Intuu Isugu Daray Ayuu Xagii Geelii U Dhaafay Ninkii Caydiid Ayaa Mooday In Bahalkiiba Dusha Kaga Imanayaao Kadibna Intuu Warankii Kor U Taagay Oo Samayda Dhulka U Dhigay Ayuu Beerka Dhigay Bahalkiina Boodadii Labaadba Geeliibuu Ku Dhex Galay Ninkii Caydiid Oo Beerka Dhulka Ku Haya Ayaa Cabaadka Niif Aaran Ahi U Baxay Meeshii Ka Kacay Isagoo Aan Idhaha Waxba Ka Arkayn Ciid Daraadeed Wuu Iska Bi Biyey Ciidi Waa Cararay Garbo Aan Aad U Dheerayn Ka Dhec Hadana Ka Kac Wuxuu Soo Kacaa Kufobo Wax U Soo Gaadhay Libaaxii Oo Qalinkii Ina (Muuda) Qoorta Isugu Laabay Markii Uu Arkay Bahalkii Caydiid Oo Soo Ordaya Ayuu Ka Yara Kacay Oo Isagoo Xuruun Haanyoor Leh Isasoo Taagay Meel Aan Waxba Ka Foyan Ninkii Caydiid Waa Yaabay Wax Uu Is Yidhi Kan Dilye Haatan Geela Intii Kale Ka Daba Carar Geelii Oo Togii Ka Taalabay Oo Meel Hore Istubay Ayuu Caydiid Oo Diiy Diiy Lehi Soo Gaadhay Halihii Nirgaha Waday Oo Reen Iyo Ololka Geelu Lagu Yaqaanay Marka Wax Helaan Isku Daray, Markii Uu Soo Gaadhay Ayuu Marba Hareer Ka Maray Wax Uu Dhagaystay Bal In Geelu Laba Meelood Kala Maray Guuxii Iyo Reenkii Ayuu Waxba Ka Maqli Waayey Waa Ku War Wareegay Marba Wax Uu Eegaa Xaga Danbe Hal In Bahalkii Soo Socdo Ninkii Caydiid Marba Wax Uu Is Yidhaahdaa Waar Mala Waxani Bahal Maaha Ee Waa Wax Kale (Waar Ilayn Iinkaar Waa Lagu Daba Dhigaa Oo Malaayo Waa Lagugu Cawlaa) Ninkii Caydiid Wax Uu La Soo Baxay Kabriidkii Wax Uu Ku Qabtay Geed Dunqaare Ah Ololkaa Cirka Qabtay Laakiin Waa Geedka Laga Goosto Babaysta Marka Danka Lala Baxayo Oo Markiba Waa Waa Dhamaanayaa Lakiin Wax Uu Arkay Geed Moroh Ah Oo Ku Dhaw Wax Uu Ka So Qaaday Afar Qori Waa Cabaar Baxa Waa Dul Saaray Dabkii Baxaya Wixiiba Waa Wada Ololeen Geeliina Wax Uu Joojiyey Reenkii Iyo Dunuunucii Ninkii Caydiid Gaajo Ayaaboo La Il Daran Yahay Oo Laba Habeen Wax Caano Ah Muu Cabin, Muxuu Cabaa Waa Waxbaa Ladaba Dhigaye Intuu Dabkii Baxayey Qori Ololaya Qaatay Ayuu Geelii Dhan Walba Dhawr Geed Oo Dunqaara Ah Ku Qabtay Meeshii Geelu Joogayba Wax Ay Noqotay Oog Ama Kaah Markii Dabkii Cabaar Baxayey Ayuu Geelii Fadhiistay Ninkii Caydiidna Xaabada Ayuu Marba Geed Ka Soo Qaadaa Habeenkii Oo Dhan Sidii Uu Dabka U Shidayey Ayaa Waagii Ku Baryey Markii Cadceedu Soo Baxday Ayuu Ninkii Caydiid Geelii Tiriyey Mise Sadexdii Libaaxu Cunay Moo Gela Intii Kale Waa Dhan Tahay Laakiin Qaalinbaa Aad U Dhitinaysa Oo Lug Wax Ka Qabta Yeelkeeda Waa Soconaysaa Caydiid Geelii Dareeryey Ayuu Dib Ugu Noqday Meeshii Ay Iska Heleen Bahalka Wuxuu U Tagay Qaalinkii Oo Lafi Uun Meeshii Yaalaan Oo Diirtay Libaaaxi Wuu Dhaafay Wax Uu Tagay Halkii Uu Xalay Libaax Kaga Hortagay Raadkiibuu Eegay Mise Bahalku Wax Uu Caydiid U Dur Maray Sida Yaarada Oo Markii Hore Wax Uu Ka Soo Booday Meel U Jirta Ilaa 25 Talaabo Markii Danbe Wax Caga Ku Sii Dhuftay Meel U Jirta Ilaa 40 Talaabo Waaba Yaabka Yaabkii Ninkii Caydiid Ayaa Tartu U Baxday Wax Uu Is Yidhi Waa Kani Malaa Libaaxba Maaha Waaxay Waxan Waalida Ka Sheekaynayaa Dubuu U So Noqday Geeliibuu Ka Daba Tagay Libaax Raadsi Iyo Waxaasi Ma Jiraan Ee Wax Uu Is Leeyahay Caawa Geela Sadex Arimoodba U Samee Waa Mide Xero U Ood Waa Talabaade Meel Ka Sokaysa Toga Qalan Ha Ku Xereyn Waa Ta Sadexaada Casarka Dab U Sii Shid Intaas Oo Arimooba Caawa Waa In Aad Samaysaa Talaba Ayuu Hoosta Ka Boobay Bahal Safrad Ahi Waa Ku Dilaacday Geeliibu Ku Soo Gaadhay Ban Yartay Dhuubta Moqor Baar Wuu Iska Daba Galay Markii Uu Dhaafay Taga Loo Yaqaan Buhosha Baabuurka Ayuu Geelii Yara Daaqdaaday Markii Uu Cabaar Caydiid Dhex Joogay Ayuu Hashii Igadhka Hayd Maalay Caano Ku Filayn Ayuu Ka Maalay Sow Waaba Baxarkiisa Markii U Cabay Ee Waxoogaa Joogay Ayaa Calooshii Canuuntay Ilayn Waa Caloool Madhnayd Markii Hore Ninkii Caydiid Maalituu Oo Dhan Wuxuu Geelii Daba Jiifjiifsadabo Marki Ay Saladii Casar Ahayd Ayaa Socod Hidin Waayey La Soco Qaybta Shanaad............
Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.