20 Mar
20Mar

Caydiid Nafta Ayaa Isugu Timi Si Uu Yeelo Wuu Garan Waayey Markii Danbe Ayuu Xasuusta Qaalin Ilaa 6 Jir Ah Oo Inta La Fuulo Geela Lagu Ururin Jiray Markii Uu 6 Jir Ka Yaraa, Fadhiguu Ka Kacay Waa Tukubay Wax Uu Geel Qaalinkii Ku Jiro Ku Gaadhay Gurta Yar Ee La Yidhaahdo Dhidaro Qaalinkiibuu U Tagay Waa Fuulay Markiiba Dhangada Ayuu Labada Dheeg Kaga Dhuftay Qaalinkiina Ilayn Waa Wax Markii Uu Yaraa La Soo Baraye Jahakasta Oo Loo Jeediyo Waa Qabtay Ninkii Caydiid Geeli Aan Isu 

Muuqan Wax Uu Isu Keenay Wax Ka Yar 300 Daqiiqo Geeliibuu Tiriyey Mise Waa Dhan Yahay Marka Laga Jaro 3dii Libaaxu Cunay Marba Wax Uu Xasuusanayaa Sidii Libaaxu U Galay Habeenkii Ay Iska Heleen Dhuuxa Awr Qariyeed, Cadceediibaa Dhacday Caydiidna Xanuunkii Waa Ka Ladan Yahay Laakiin Sidii Uu Ku Tashayda Ee Ahayd In Uu Geela Hero U Oodo Ma Awoodi Karayo Intuu Geelii Isu Dhawaaqay Ayuu Hore Uga Yara Cararay Bal In Uu Helo Wax Xero Geel Ah Oo Oodan Marki Ku Daadagay Taga Biiq Ayuu Helay Xero Weyn O Geela Qaadaysa Xaska Ayuu Ka Yara Xaadh Xaadhay Buuxinkii Oo Aanay Lahayna Wuu U Soo Gooyey Geeliibuu Dib Ugu Noqday Markiiba Waa Xereeyey Dabkiibuu Shiday Meeshu Waa Wada Xaabo Oo Kulan Iyo Qudhacba Waa Ku Yaalaan Ninkii Caydiid Ilayn Wax Uu Og Yahay Wax Ku Soo Socdee Dabkii Wax Uu Xerada Kaga Shiday Ilaa 5 Meelood Meeshiiba Waxa Uu Kaga Dhigay Dharaar Markii Saacadu Ahayd Ilaa 9kii Fiidnimo Ayuu Maalay Dhamaan Halihii Irmaanaa Hurdo Kuma Tali Jiro Oo Wax Uu Is Leeyahay Caawa Marka Aad Bahalkii Aragto Qaado Qoryo Dab Ah Oo Bahalka Dab La Dhac Markii Habeenka Kala Badhnaa Ayaa Geelii Didmo La Oogsaday Ninkii Caydiid Ayaa La Soo Booday Wixii Uu Qalab Diyaarsaday Xaga Danbe Ee Xerada Geela Ayuu Ka Wareegay Mise Libaaxii Ayaa Sida Rag U Soo 

Fadhiya Wax Uu Ku Tuuray Laba Qori Oo Dab Ah Inta Uu Libaaxii Kacay Ayuu Siigo Iyo Ciid Aad U Badan Ku Liqay Ninkii Caydiid Macal Dabkiisii, Si Wax Noqdeen Mooyee Bahalkii Waa Dhaafay Caydiid Oo Geelii Ayuu U Dhacay Waxaana Uu Markiiba Caloosha Ka Soo Riday ( Shucub) Oo Ka Mid Ahayd 19 Halaad Ee Dhalayey Ninki Caydiid Ayaa Sidii Wax Hurda Indhaha Kala Qaaday Mise Dabkii Uu Sitay Iyo Wixiiba Meeshii Ma Yaaliin Xeradii Geelo Ku Jirayna Hashii Oo Dhuun Yeedhinaysa Iyo Habalkii Oo Cunaya Mooyee Wadankaa Wax Kale Ma Joogaan Wuu Kacay Xeradii Dhanbuu Ka Dhaafay Wax Uu Dhagaysta Koorihii Geelo Sitay

Wax Uu Meel Fog Ka Maqlay Koor Wuu Cararay Wax Uu Gadhay Geelii Oo Meel Tuban Wuu La Hadlay Si Aanu Geelo Isaga Uga Didin Markii Oo Geelii Soo Dhex Galay Ayuu Is Yidhi Bal Neefka Uu Cunay Eeg In Aad Garato Laakiin Waxba Wuu Ka Fahmi Waayey Geelo Oo Isku Murugsanaaa Daraadii, Markaa Waxa Faro Laab Ah Oo Uu Sitaa Ma Jiraan Hadii Ay Tahay Kabriid Iyo Dhangad Iyo Warankii Godintii Iyo Wax Kale Toona Ee Waa Isagii Kaliya

Ninkiiba Baqdin La Isugu Keen Oo Is Yidhi Mala Kani Marka Uu Geela Dhameeyo Adigana Wuu Ku Cuni Doonaa, Walina Ninkii Caydiid Waa Wareersan Yahay Oo Sidii Wax Dawakhay Weeye Markii Uu Cabaar Ku Warwareegay Geelii Ayuu Is Yidhi Waa Sidani Suura Gal Maahee Geela Siidaa Oo Wad Ilaa Inta Waagu Ka Baryaayo Iyo Waliba Ilaa Inta Aad Ka Gaadhayso Meel Cidi Joogto Laakiin Waxaanu Sidan Wax Fara Laab Ah Marka Laga

Reebo Tooridii Uu Dhexda Ku Xidhnaa, Waxa Uu Markaa Go’aan Ku Gaadhay In Uu Geela Iska Daba Galo Geeliibuu Dareeriyey Caydiid Kamuu Fakarin Libaaxii Ayaa Ku Agtaagan Oo Ka Yimi Hashii Uu Cunay Ee Waxa Uu Is Laayahay Inta Uu Hashaa Cunaayo Caawa Ilaa Birito Wad Geela Bal In Aad Gaadho Meel Dad Iyo Xoolo Ku Nool Yihiin Markii Uu Go’aankaa Gaadhay Ayuu Geelii Dareeriyey Cabaar Markuu Daba Galay Geeliina Tooro Isku Dalab Tiray Oo Uu Niyadaa Iska Leeyahay Waagu Ha Kuugu Baryo Dawga Miriye Ilaa Birito Oo Dhan Wad Habeen Danbe Waa In Hadii Aad Cid Kale Waydo Xerta Timo Weynta Ee Fahdigeedu Yahay Gabagabe Geela Iyo Naftaadba Kula Eerataa Oo Meeshii Libaaxu Ka Helayna Ka Socday Ilaa 5km Ayaa Geelii Is Tubay Wax Uu Is Yidhi Malaa Wax Uu Arkay Geed Moday Oo Uu Ka Maagaye Bal Eeg Mise Libaaxii 

Ayaa Halkan Taagan, Wax Alaale Iyo Wax Fara Laab Ah Oo Uu Sitaana Ma Jirto Toorida Uu Dhexda Ku Xidhan Yahay Mooyee Wax Uu Sameeyo Wuu Garan Waayey Ninkii Caydiid Waa Fadhiistay Geeliina Waa Istubay Libaaxiina Beerka Ayuu Dhulka Soo Dhigay Sidii Wax Seexanaya
La Soco Qaybta Lixaad..........


Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING