21 Mar
21Mar

Arag Hadii Kalena Toorida Ku Dagaalan Ilayn

Wax Kale Ma Haysatide Sow Habalkuna Wax Uu Cuno Ma Doonayo Oo Waa Dharagsan Yahay Ee Wax Uu Doonayaa In Uu Gaadh Dable Ka Hayo Caydiid Iyo Geela, Geeliina Keedibuu Ku Waashay Ilayn Waa Geel Libaax Duur Fadhiyaaye Wax Ay Sidii Ahaatoba Markii Waagi Hoosta Ka Casaamay Ayaa Geelii Hal La Yidhaahdo Buluug U Dhaqaaqday Dhankaa Ceelka Dhuxun Oo Markaa Kor Ka Xiga Meesha Uu Libaaxu Geela Iyo Caydiid Ku Hor Fadhiyo Markii Hashii Ugu Danbaysay Dhaqaaqday Ayuu Ninkii Caydiidna Kacay Wax Uu Isna U Dhaqaaday Xagii Xeradii Xalay Libaaxu Ka Helay Ee Toga Biiq Waxaana Uu Markaa Doonayaa In Uu Soo Qaato Wixi Qalab Ahaa Ee Uu Xerada Kaga Yimi Sida Warankii, Godintii. Ushii, Hadhuubkii. Iyo Wixi Kale Ii Xerada Ka Yaalay Libaaxiina Halkiisii Ayuu Iska 

Fadhiyaa Ninkii Caydiidna Marba Dub U Soo Eegayaa Bal In Uu Isaga Soo Daba Socdo Iyo In Geelii Daba Galay Wax Uu Marba Dib U Soo Eegoba Markii Danbe Ayuu Caydiid Ka Libdhay Habalkii Oo Halkii Fadhiya Waxa Uu Tagay Xeradii Wuu Soo Qaatay Wixii Ka Yaalay Cadceediina Waa Soo Baxday Markii Uu Soo Socday Meel Meeshii Xalay Libaaxu Ku Hor Fadhiyey Ilaa 1km U Jirta Ayuu Geed Aad U Dheer Oo Qudhac Ah Koray Wax Uu Ka Eegay Geelii Bal Meesha Uu Maray Iyo In Libaaxi Ka Daba Tagay, Waxa Uu Arkay Geelii Oo Dib U Soo Yaacaya Geedkiibuu Ka Daya Mise Geelii Waxa

Soo Daba Socda Libaaxi Ninkii Caydiid Markii Uu Arkay In Libaaxu Gaadh Dable Ka Hayo Isaga Iyo Geela Oo Maalin Iyo Habeenba Oo Sidii Nin Oday Ah Meel Geela U Muuqata Soo Fadhiyo Oo Waliba Ilayn Maalin Ismay Arki Jirine Uu Libaaxii Marba Afka Kala Qaaday Marna Jimicsaday Oo Is Kala Bixiyey Oo Sida Caruurta Marba Dhan Iska Rogay Markii Halkaa Xaal Marayey Ayuu Ninkii Caydiid Tashaday Waxa Uu Ku Tashaday In Sadex Xaalo Aanay Waxaba Ugu Dhaxayn 

1- In Uu Libaax Isku Miidaamiyo Hadhkaa Cad Oo Ama Libaaxu Dhinto Ama Isagu Dhinto

2- In Uu Geela Laba Qaybood Ka Dhigo Oo Ilaa Shan Duqood Ugu Tago Libaax Geela Intiisa Kalena Go’a U Rido

3- In Xagan Libaaxu Geela Ka Hortaagan Yahay Uu Ka Daayo Oo Uu Qabadsiiyo Xaga Karin Gabiile Ama Diba U Soo Celiyo Bal In Uu Lixaabu Ka Hadho

Waxa Uu Fadhiistay Meel U Jirta Libaaxii Ilaa 300talaabo Marka Uu Libaaxa Afkiisa Iyo Quwadiisa Eegona Wuu Naxaa Marka Geelii Libaaxu Cunay Xasuustona Waa Cadhoodaa Marka Uu Xasuusto Cidladii Uu 4bilood Joogay Iyo Nabadii Uu Isaga Iyo Geeluba Ku Noolaayeen Xasuusta Waxa Ka Danbeeyeyna Waa Yaaba Marka Uu Xusuusto Habeenka Danbeeyey Ee Caawa Waxa Dhicin Doonan Wuu Baqaa Ninkii Caydiid Waxa Uu Cabaar Meeshii Libaax Agtiisa Fadhiyoba Oo Uu Marba Sidii Waxa Riyoonaye Wax Is Moodsiiba.

Intii Aanu Go’aan Gaadhin Ayaa Libaaxii Kacay Caydiidna Waa Kacay Libaaxi Ayaa Galay Geedkii Uu Hadhkiisa Fadhiyey Oo Ah Geed Aad U Balaadhan Oo Xamudh Ah In Yar Kadibna Ninkii Caydiid Waxa Uu U Dhaqaaqay Xagii Geelii Isaga Uu Hoostaa Ka Leh Alla Ilaahayaw Libaax Wax Ku Salid Alla Muu Mass Ku Cuno 

Geedka Uu Galay Wuxuu Sii Habaatamoba Waxa Uu Gaadhay Geelii Oo Gunbur Qalan Sii Waytabaaqaya Oo Inaba Dhan Isaga Kacday

Wuu Isu Ururiyey Isaga Oo Aan Hadal Kor U Qaadayn Si Aanu Libaaxi U Maqal Oo Xitaa Dhangada Geela Ku Gujinaya Wuxuu Afka Geelii U Saaray Xagaa Iyo Karin Gabiile Oo Waxa Uu Is Leeyahay Malaa Waxa Oogo Waxa Kaaga Dhaw Xagan Wali Caydiid Sadexdii Qodob Ee Uu Ku Tashaday In Uu Midkii Ku Dhaqmo Wax Go’aan Ah Midna Kamuu Gaadhin Waqtigu Waa Ilaa 11.00 Subaxnimo

Markii Uu Geelii Soo Gaadhsiiye Ceelkii Dhuxun Oo Xiligaa Ahaan Jiray Mid Biyihiisu Aad U Dhawyihiin Ayaa Geelii U Socon Waayey Waxa Uu Oo Doonay In Meeshii Uu Xiliyada Qaar Ka Cabi Jiray Laga Wareebiyo Ninka Caydiidna Haabka Kuma Hayn In Geela Kula Habsaamo Meelahan.
Lasoco Qaybta Todobaad.


Waxa Qoray; Sacad Ciise Cumar
Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING