21 Mar
21Mar

Maa Digoo Og Waxa Kaa Danbeeya Ayaad Marba Meel Geela La Fadhiisaynaysaa, Waar Go’a U Rid Ilaa Aad Ka Gaadhayso Burco Kibir Ama Biyoolay Oo Uu Labada Maqlay Laakiin Tilmaan Ahaan AadU Fahansan Yahay Meesha Ay Ku Yaaliin, Markii Saacadu Ahayd 12.00 Duhurnimo Ayuu Geelii Dhagada Ku Feedhay Waxa Uu Cagta U Saaray Wadada

Ka Dhacda Karin Gabiile Geeliina Waa Socon Waayey Oo Waxa Uu Doonayaa In Uu Hayaamo Waana Xiligii Caadiyan La Hayaamin Jiray Sanad Walba. Waxa Uu Ninki Caydiid Geela Ugu Heesayaa (Maydhay Marinkii Mass Wa Loolay Maroodaa Galay Oo La Mari Waa) Markaa Ilaa Salaadii Casar Ay Ahayd Ayuu Geelii Soo Gaadhay Biyaha Durdurka Ah Ee Karin Gabiile Geeliibaa Si Fiican U Cabay, Markii Geeli Wada Cabay Ayuu Hoos U Dareeriyey Oo Dhuuxa Hoos U Raaciyey Markii Uu Dhuuxa Ka Talaabiyey Ee Marinyey Meesha La Yidhaahdo Buluulucada Ayaa Qoraxdii Dhacday Markii Salaadii Maqrib Uu Tukaday Ayuu Geelii Isugu Dhawaaqay Waxa Cagta U Saaray Wadada Tagta Tuulada Burco

Kibir. Markii Uu Habenka Intiisa Badani Tagay Ayuu Soo Gaadhay Dhulkii Tuulada Looga Aroori Jiray Ee Toga Weyn La Yidhaahdo Hayle Waxa Uu Helay Xero Weyn Oo Geel Ku Xeroon Jiray Markaasuu Geelii Ku Xereeyey Ilayn Waa Nin Aan Seexan Ilaa 

Sadax Habeen Iyo Sadex Doodii Maalmoode Markii Geelii Wada Fadhiistay Ayuu Seexday Waar Ilayn Marba Waxbaa Laguu Soo Diraayey Sow Markii Uu Galay Hurdo Dakharta Ayaa Geelii Hal Hawl Badan Oo La Yidhaahdo Hamuun Xeradii Ka Dhacday

Geeliina Waana Waa Wada Daatay Wadadii Uu So Mariyey Ayuu Cagta Saaray Markii Uu Marayey Buluulucada Ayaa Libaaxii Oo Karin Ka Soo Dhacay Oo Raadka Geela Ku Taagnaa Halkaa Kaga Horyimi Waxa Markiiba Qoorta Isugu Laabay Halii Irmaanaa

Mid Ka Mid Ah Oo La Yidhaahdo (Aaran) Geela Intii Kale Waa Yaacday Oo Waxa Ay Qabsatay Wadaadii Karin Gabiile Ninkii Caydiidna Markii Qoraxdu Soo Baxday Ayuu Toosay Mise Walaahi In Aan Halay Ku Jirin Xeradii Wuu Booday Oo Wax Uu Is

Yidhi Malaa Waxa Uu Daadat Saaka Ee Bal Eeg Waxa Meelahaa Sii Socda Mise Wadankaa Waxba Kamasii Muuqdaan Caydiid War La’aa Ma Oga In Geelii Badhna Libaax Cunay Badha Karinba Ka Dhacay, Waxa Eega Raadkii Geela Mise Waxa Uu U Dareeray Xagii Markii Hore Uu Ka Keenay Alaabtii Ayuu Urursaday Waxa U Uu Dhaqaaqay Xagii Geela Raadkiisu U Dareeray Markii Uu Socday Waxa Yar Ayuu Tuujiyey Saalada Geela Oo Ah Waxa Lagu

Garto In Uu Geelo Waqti Hore Iyo In Uu Waqti Dhaw Maray Mise Saaladu Waa Qalayl Oo Geelu Waxa Uu Meesha Maray Xalay.

Marba Wuu Ordaa Waxa Uu Niyada Iska Leeyahay Tolow Geelii Xagii Sii Socdaa Ma Meel Dhaw Mise Meel Dheer Waxa Uu Saar Ordaba Waxa Uu Soo Gaadhay Geedka Caanka Ah Ee Gobi Raare Oo Ah Geed Aad U Dheer Oo Goba Wuu Koray Mise Walaahi 

Wadankaa In Aan Bidhaani Ka Sii Muuqdan Waa Ka Soo Dagay Markaa Waqtiguna Waa Ilaa 11.00 Subaxnimo Ninkii Caydiid Gaajona Waxba Uga Dhina Oo Sadex Maalmood Muu Maalin Halna Oo Xaalkiisu Waxa Uu Ahaa Qax Iyo Qadoodi, Wuxuu Soo Ordoba Waxa Uu Soo Gaadhay Gurta Dhiin La Yidhaahdo Guudka Ayuu Uga

Baxay Waxbuu Bidhaamiyey Mise Walaahi In Aan Wadankaa Waxba Ka Sii Muuqan Isha Ayuu Marba Dhan U Taagay Markii Danbe Ayuu Arkay Haadka Duulaya Meel In Badan U Jirta Wuu Soo Cararay Isagoo Iska Gartay In Meesha Geelii Wax Lagaga Cunay

Laakiin Markaa Waxa Uu Is Leeyahay Malaa Waa Waraabe Waxa Meeshaa Wax Ku Cunay Marna Waxa Uu Is Yidhaahdaa Waar Malaa Maaha Geelaagii Oo Goorma Ayuu Habeenimo Soo Gaadhay Halkan Hadii Uu Xitaa Markii Aad Xerayso Soo Daato Halkan Muu Soo Gaadheen Habeenka Oo Isku Jira Wuxuu Marba Waxa Niyada Iska Soo Yidhaahdoba. Isagoo Ordaya Ayuu Soo Gaadhay Meeshii Mise Waxa Taala Hashii Aaran Oo Waxa Cunay Libaaxii Cabaar Naxdin Iyo Cadho Isgu Jirta Markii Uu Meeshii Taagnaaday Ayuu U Dhaqaaqay Xagii Geeli U Socday Isagoo Niyad Iska Le Waar Tolow Cuudkan Xerdii Ma Oodna Ee Ma Iskaga Hadhaa Mise Marka Libaaxu Geela Dhameeyo Adiga Ha Ku Cuno Waad Daba

Socotaa Inta Uu Hasha Ugu Danbaysa Cunayo, Oo Uu Wax Yar Ka Socday Meeshii Libaaxu Hasha Ku Cunay Ayuu Arkay Libaaxii Oo

Taagan Meel Yar Oo Taago Ah Oo Isaga Soo Eegaya

Laso Qaybta Sideedaad........


Soo Diyaariye; Shooqi Maxamed.

Comments
* The email will not be published on the website.
I BUILT MY SITE FOR FREE USING